Heemaal News Network
somali

Maxkamad Xukun Dil ah ku Riday Askari Borama ku Dilay Taliyihiisa.

Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa saaka dil toogasho ku xukuntay Alifle-Maxamed Axmed Cabdillaahi, oo lagu helay in uu dilay Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Dalmar oo ahaa Taliyihii guutada Gamadiid ee xerada ciidamada Somaliland ee degaanka Goroyo-cawl.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay deegaanka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal 26-kii Bishaan, iyada oo Askariga dilka geystay oo isku dayay in uu xarunta ka baxsado ay qabteen ciidamada uu ka tirsanaa.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay askaeiga dilka geystay oo khilaaf uu kala dhaxeeyaybtaliyihiisa.

Goobta xukunka Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Ehellada Axmed Cabdillaahi iyo Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Dalmar iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Millateeiga Somaliland ee Gobolka Awdal.

Related posts

Khasaare ka Dhashay Qarax Xooggan Oo ka Dhacay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Hasan Sheekh Oo si Adag Uga Hadlay Khilaafka Farmaajo Iyo Rooble

Heemaall

“Waxan Xaq U Leeyahay In Aan Helo Waxa Ay Heshay Naafada” Oday Ka Mid ah Naafada Borama

Heemaall