Heemaal News Network
somali

Somaliland Oo Xukun ku Riday Gen: Doollaal Oo Lagu Helay Xiriirka Muqdisho

Maxkamada Millateriga Somaliland, ayaa 2 sano oo xadhiga ku xukuntay Jaamac Maxamuud Aadan Gen: Dollaal oo katirsan ciidamada Somaliland.

Jeneralka ayaa lagu helay danbi ah in uu la xidhiidhay qof kusugan magaalada Muqdisho oo uu arrimo qoys kala hadlay sida ay sheegeen qaar kamida eheladiisu.

Maxkamada ayaa danbi ku tilmaantay in jeneralku uu xidhiidh lasameeyo cid joogta Muqdisho.

Maxkamada ayaa dhinacakale laashay eedaymo khayaamo qaran oo loo haystay Gen: Dollaal, kuwaasi oo wax caddayn ah loo waayay.

Gen: Dollaal ayaa muddooyinkii u danbaysay ku xidhnaa xabsiga Hargaysa iyado qoyskiisu ay sheegeen in caafimaad kiisu aanu wanaagsanayn.

Related posts

Cheif Caaqil Saciid Obsiiye Oo Taageeray Furusta Ururada Baaqna U Diray Bulshada Awdal

Heemaall

M/Biixi Oo Gaadhay Magaalada Barbara Kormeerna Ku Sameeyay Dekeda Barbara.

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Heemaall