Heemaal News Network
somali

Somaliya Iyo Itoobiya Oo ka Wada-hadlay la Dagaalanka Al-Shabaab.(Sawiro)

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan, isla markaana la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxaweyne ,Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada New York kaga qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ayaa halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan oo ka kala yimid caalamka.


Related posts

Xildhibaan Goobta Tirinta Cododka Kenya ku Dilay Kaaliyaha Xildhibaan la Tartamayay.

Heemaall

Ururo Siyasadeedyo ka Hor-yimid In Laga Qabto Maxamud Xaashi Lacagta Diwaan-galinta

Heemaall

Askar Masaari Oo Nolosha Lagu Aasay

Heemaall