Heemaal News Network

Dowlada Iyo M/Goboleedyada Oo ku Heshiiyay ka Hortaga Kalluumeysiga Sharci Darada ah.

Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo idlaaday shirka Wada-tashiga Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya oo socday laba maalin.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen dowlad-gobolleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah qodobada lagu heshiiyay in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda.

Waxaa sidoo kale looga hadlay ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha dalkeena iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga dalka.

Waxaa xusid mudan in Shirkaan kan xiga ay martigelin doonto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Baaq U Diray Dowladda Somaliya iyo Midowga Musharaxiinta.

Heemaall

Madaxwayne Geele Oo ka Cabsi Qaba in Baarlamaanka Cusub ay kusoo Baxaan Xubno Al-Shabaab ah

Heemaall

Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Xubno kale Oo Gaaray Garoowe.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More