Heemaal News Network
somali

Somaliya Iyo Pakistan Oo ka Heshiiyay Iskaashiga Amniga Baddaha

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhida dalka Pakistan, Khadija Mohammed Al Makhzumi ayaa la kulantay taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Badda Pkaistan, Admiral Mohammed Amjad Khan Niazi.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka ciidamada badda Pakistan, safiirka Soomaaliya Khadija Muhammad Al-Makhzumi ayaa booqatay xarunta ciidamada badda ee Islamabad.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Pakistan ayaa sheegay in kulanka danjiraha Soomaaliya iyo madaxa ciidamada badda Admiral Muhammad Amjad Khan Niazi looga hadlay arrimo khuseeya labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyo iskaashiga baddaha.

Afhayeenka ciidanka badda ayaa intaas ku daray in safiirka Soomaaliya uu ammaanay doorka ciidamada badda Pakistan ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Related posts

Wasiirka Amniga Oo Digniino kasoo Saaray Xaalado kusoo kordhay Muqdisho.

Heemaall

Wax ka Ogow Saacadaha kala Duwan Ee Sanadkan Muslimiinta Caalamku Soomayso.

Heemaall

Fahad Yaasiin Oo Maanta la Wareegay Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka Ee Madaxweynaha.

Heemaall