Heemaal News Network

Somaliya Iyo Talyaaniga Oo kala Saxiixday Heshiis Malaayiin EURO ah Oo Dhinaca Caafimaadka.(Sawiro)

Wasiirka Caafimaadka df iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda Talyaaniga ku taageereyso qaar ka mid ah Isbitaalada dalka.

Heshiiskan oo ku kacaya Saddex Milyan oo UERO waxay dowladda Talyaaniga ugu talogashay in wax looga qabto qaar ka mid ah isbitaalada dalka, waxaana kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya -Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha isbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa tilmaantay in heshiiska lala galay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay sidii dowladda Talyaaniga ay Isbitaalada qaar gacan uga geysan lahayd dib u dhis iyo qalabeyn casri ah.

“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmeyneyso Isbitaalada Soomaaliya qaarkood, waxaa la qabtay shaqo aad u muhiimsan labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Isbitaal Banaadir waa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhashay waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabeyntooda” ayay tiri Dr Fowziya Abiikar Nuur.

Related posts

Muuse Biixi Oo Kaabbo-Qabiillo ku Tilmaamay Mulkiilayaasha Xisbiyada Wadani Iyo Ucid

Heemaall

Kenya Oo ka Hadashay Sababta ay Dib Ugu Dhigayso Dacwada Badda Iska-na Fogaysay Eedeynta Somaliya.

Heemaall

Midowga Musharixiinta Oo ku Hanjabay Inay sii Wadi-doonaan Dibadbaxyada Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More