Somaliya Oo Heshiiska Deyn-cafinta la Saxiixatay Mareykanka.(Sawiro)

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, Hesiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshiiska ayaa Dowladda Mareynkanka ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.


Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy