Heemaal News Network
somali

Somaliya Oo Markii Ugu Horeysay Laga Waayey Hal-kiis Oo COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan magaalada Muqdisho iyo gobolka dalka laga waayay kiisaska cudurka Karoonaha 24 saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Wasaaradda maalmihii lasoo dhaafay muujinaysay hoos u dhaca kiisaska cudurka Karoonaha Caasimadda marka laga reebo qaar ka mid ah maamulada goboleedyada oo laga helayay kiisas aan badneyn.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa:

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770

Laga Helay: 0

Bogsashada: 21

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779

Bogsashada Guud: 7,016

Dhimashada Guud: 774

Related posts

Gudiga Doorashooyinka Deegaanka Somalida Oo Shaaciyay In Awoododii Ay ka Wareegeen Gudiga Fadaral Itoobiya.

Heemaall

Ruushka Oo Dublamaasiyiin Reer Yurub Ah Ka Mamnuucay Dalkiisa

Heemaal

Midowga Murashaxiinta Oo Isku Khilaafay Eedeyntii ay U Jeediyeen R/Wasaare Rooble

Heemaall