Heemaal News Network
somali

Somaliya Oo Shiinaha kala Hadashay Dhibaatada Covid 19 Oo Mar kale kusoo Laba-kacleeyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida adeega Caafimaadka, Wasiiradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Soomaaliya gaar ahaan ka hortagga cudurka Covid 19.

Related posts

Nabadoon Caan ah Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.

Heemaall

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Shaaciyay Xiliyada La Dooran Doono Maayirada Magaalooyinka Somaliland

Heemaall

Gaas Oo Ka Hadlay Shaqa Joojintii Fahad Yasiin Uu ku Sameeyay Raysal Wasare Rooble.

Heemaall