Heemaal News Network
somali

Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo ka wada-hadlay Arrimo Dhowr ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaaMuqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-cusmaan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.

Todobaadyadii la soo dhaafay Xukuumadda Federaaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xiriir joogto ah la sameyneysay dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu xumaa xiriirka labada dowladood.

Related posts

Dowladda Malaysia Oo ka Hadashay Nin U Dhashay Dalkeeda Oo Muqdisho Ugu Xiran Alshabaab-nimo

Heemaall

Shirar Iska soo Horjeeda Oo ka Socda Villa Somaliya.

Heemaall

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo ka Hadlay Loolanka Doorashada Golaha Shacabka

Heemaall