Heemaal News Network

Soomaliya Kaalmo Sharci Ka Dalbatay Dalka Turkiga

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka raadineysa dowlada Turkiga inuu ka caawiyo garsoorka iyo caddaalada,iyadoo wasiirka cadaalada iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ay booqasho ku joogaan dalka Turkiga.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga mudane Beker Sahin.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaa wasiirka cadaaladda dawladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa looga wada hadlay sidii Turkiga iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen xoojinta hay’adaha garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay in hay’adaha cadaaladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageeraan tababarada hawlwadeenada cadaaladda, sida xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha, taas oo Soomaaliya ka caawinaysa ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka cadaalad wax ku ool ah.

“Turkigu waa wehel istiraatiiji ah oo saaxiib la ah dalkeena” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa adeeg garsoor u doonta deegaanada ay ka taliyaan ururka Alshabaab kadib markii adeega caddaalada iyo garsoorka dowlada uu noqday qaali, lana bixiyo laaluush aad u badan.

Dowlada Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer isku dayday inay wax ka bedesho hannaanka caddaalada balse illaa iyo hadda majiro kalsooni ay dadku ku qabaan garsoorka iyo caddaalada ay bixiso dowlada federalka.

Related posts

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Dekedaha Somaliland.

Heemaall

RW Rooble Oo Amray in Deg-deg loo Furo Wadooyinka Dabka Ee Xiran.

Heemaall

Midowga Musharixiinta Oo War kasoo Saaray Ciidamo la Duldhigay Aagaga ay ka Deggan Yihiin Muqdisho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More