Heemaal News Network
Caalamka

South Africa Oo Noqotay Wadanka Ugu Sareeya Ee Africa Laga Helay Kiisaska Coronavirus

Tirada kiisaska cudurka ‘coronavirus’ ee dalka Koonfur Afrika ayaa kor u kacay, waxana ay marayaan 402 kiis oo la helay- tanina waa mid ka dhigaysa Koonfur Africa dalka ugu sareeya ee dalalka qaarada ee ka hooseeya Sahara.

Tiradan cusub ayaa la ogaaday waqti ay dawlada South Africa tirakoobkii u dambeeyay ee ay ku dhawaaqday uu ahaa 128 kiis oo kaliya, waxana la filayaa in Madaxweyne Cyril Ramaphosauu khudbad u jeediyo umadda caawa, taas oo ku saabsan qaababka looga hortago cudurka coronavirus ee sii faafo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More