Heemaal News Network
Caalamka

South Africa oo Qorshaynaysa In Ciqaabta Kufsiga Laga Dhigo Xabsi Daa’in.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii ay u meel marin lahayd sharci ciqaab culus dul-dhigaya dadka kufsiga gaysta, ciqaabtaas oo noqon karta Xabsi-daa’in ama in loo diro xabsiyo ay shaqooyin adag ka dhex qaban doonaan, kuwa kufsiga gaystay, waxana ay tahi jawaab u tahay heerka kufsiga iyo dilka haweenka loo gayto oo dalkaas kor u kacay bilihii u dambeeyay.

Madaxwaynha ayaa laga soo xigtay in uu yidhi “waxa aan dib u habayn ku samaynayaa haneenkeena cadaalada iyo dambiyada si aan u hubinno in kuwa ku kaca falalka kufsiga ah inay ogaadaan in mar la qabto oo lagu helo dambiga, inaysan waligood ifka dib u arko doonin”

South Africa ayaa ah dal ay faldambiyeedyada lagula kaco haweenku yihiin kuwo aad u tira-badan, badanaana dadka dambiyada gayta ayaan la marin ciqaab u dhiganta falalka ay gaystaan, waana midaas mida sababtay in dambiilayaal badan ay jeelasha galaan sanado kadibna ay soo laabtaan iyaga oo falalkii ay caadayteen ee dambiga ahaa halkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More