Heemaal News Network

South Afrika Oo Hakisay Tallaalka Cudurka Covid 19.

Xukuumadda KoonfurAfrika ayaa hakisay oo joojisay bilaaabidda tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca ka dib markii daraasad la sameeyay ay muujisay natiijo”niyad jab keentay ” taasi oo ku aadan faraca cusub ee feyrsika Corona.

Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in nooca cusub ee feyriska Corona uu dalkaasi imika ka yahay 90% .

Daraasadan oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 2,000 oo qof ayaa lagu ogaaday in tallaalka uu yahay mid “difaaciisu aad u yar yahay marka loo eego faraca cusub ee feyrska Corona.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la gaarsiiyay 1 milyan oo ah tallaalka shirkadda AstraZeneca islamarkana waxaa lagu waday in uu tallaalka bilaabmo toddobaadka soo socda.

Wasiirka caafimaadka ee dalkaa Koonfur Afrika Zweli Mkhize oo qaab maqal iyo muuqaal ah u qabatay shir jaraa’id ayaa sheegay in dowladda ay sugeyso talooyiin dheeraad ah oo ku aadan qaabka horey loogu sii wadayo tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca iyada oo ay jrto waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda.

Related posts

Dawlada Oo Cadaysay In Ninkii Baastoolada ku Riday Shacabkii Banaanbaxayay Uu ka Tirsanaa Ciidanka.

Heemaall

Wasiir Cumar Oo Dhagax-dhigay Wado Isku-xidha Deegaanada Tuli Iyo Magaalo Qalooc Ee Awdal.

Heemaall

Itoobiya Oo Markii Ugu Horaysay Boqolaal Kun Oo Dollar Dul-dhigtay Madaxda TPLF.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More