Heemaal News Network

Stacey Abrams. Oo Mar Kaliya Caan Noqotay, Waana Gabadha Furaha Guusha U Dhiibtay Biden

Joe Biden wuxuu kordhiyaa hogaaminta gobolka muhiimka ah ee Georgia. Laakiin haweeneyda qof walba uu ka hadlayo waxaa la yiraahdaa Stacey Abrams.
Jimcihii, Donald Trump wuxuu lumiyay hoggaanka gobolka Georgia. Subaxnimada Sabtida, Joe Biden wuxuu ku horreeyay codad ka badan 7000.
Waxay markaa u muuqan kartaa in la jabiyo gidaaro badan oo guul ah waayo Georgia loogama codeyn musharrax Dimuqraadi ah tan iyo 1992.

Hadda 46 jirka Stacey Abrams, oo ah Dimuqraadi ayaa ka danbaysay guushan uu xisbigu ka gaadhay gobolka Georgia. Waxay olole balaadhan galisay codbixiyayaasha, waxaana loo aqoonsaday halyeeyad xisbi, iyadda oo heshay heshay dhamaan sumcadda guusha inteeda badan ee hawlgalka lagaga faramaroojay xisbiga Jamhuuriga gobolkan.

Abrams oo ah qareen, wuxay sannadihii la soo dhaafay dhisay shabakad abaabusha codbixayayaasha iyadda oo adeegsanayasay hadalao dhiirigalin iyo baraajin ah, waxayna ku guulaysatay in ay hal meel iskugu keentoo 800.000 oo qof oo codbixiyayaal ah.

Related posts

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadlay Banaan-baxii Burco Iyo Ciyaarta Maanta

Heemaall

Maamulka Tigreega Oo Qodobo kasoo Saaray Dagaalka Uu ku Qaaday Abiy Ahmed.

Heemaall

Dagaal Khasaare Nafeed Geystay Oo Dhexmaray India iyo Bakistan.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More