Heemaal News Network
Caalamka

Sucuudiga Oo Walaac Ka Muujiyay Gudashadii Xajka Ee Sanadkan

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa ugu baaqday dadka Muslimiinta in ay sugaan inta xaalada coronavirus ee caalamku ay kala miirmayso dib u dhacna ay ku sameeyaan qorshayaashooda salka ku haya xajka Iyo soo-Xajinta sanadkan, sidana waxa sheegay Wasiirka Amuuraha Xajka iyo Cumarada ee Boqortooyada oo Television-ka si toos ah uga halay.

Sucuudiga waxa ku yaala magaalooyinka Barakaysan ee muslinka ee Maka iyo Madiina, waxana sanad walaba rukniga xajjka gudashadiisa dalkaas u yimiid in ka badan 2.5 million oo xujay ah oo ka kala yimaad daafaha caalamka kuwaas oo Sucuudiga ku sugnaada muda bilk u siman, oo 7aad ka mid ahi yahay gudashada waajibaadka Xajka.

Intan waxa dheer in Sucuudigu uu xidhay Masaajidan barakaysan sidoo kalena xayiraad ku soo rogay duulimaadyadii caalamigaa ahaa ee dalkaasi imanayay, gaar ahaan muslimiintii u tagi jirtay Sucuudiga inay soo cimraystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More