Heemaal News Network
Caalamka

Sudan: Ciidamo Milatari Iyo Sirdoon Kala Ah Oo Isku-rasaaseeyay Khartuum

Is rasaasayn xoogan ayaa laga maqlayaa bartamaha Caasimada Suudaan ee Khartuum, waxana ay wararku sheegayaan in tacshiiradan ay iswaydaarsanayaan Ciidamada Milatariga ah ee Suudaan iyo Ciidamo ka tirsan hayada sidoonka qaranka ee Suudaan ee magaceeda loosoo gaabiyo (NISS).

Ida ay wararku sheegayaan Ciidamadan nabadsugida ah ee shaqada laga joojiyay ayaa gadooday markii mudo la siin waayay mushaharooyin ay sheegeen inay xaq u leeyihiin oo xukuumada rayidka ah ee talada qabsatay ay ku guul daraysatay inay bixiso.

Hayadan nabadsugida ee (NISS) ayaa waqtigii uu talin jiray Al-bashiir ahayd mid awood leh oo si wayna looga cabsado, balse wixii ka dambeeyay marki Albashiir xukunka laga qaaday ayay saamayntoodu hoos u dhacday, waxana muuqata in amnigu uu gacanta u galay miltariga, wax badan oo shaqaalaheeda ka mid ahaana shaqada ayay isaga tageen, ama laga cayriyay.

Wariyaasha  ku sugan Khartuum ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in isku-dhaca u dhaxeeya laamaha amniga ee Sudan uu yahay mushkilad wayn oo hadii aan xal dag deg ah loo helin wax u dhimi karta amniga dalkaasi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More