Heemaal News Network
Soomaaliya

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale Oo Galabta Xabsiga Laga sii Daayay.

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa abaaro 3dii galabnimo ee maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii laga sii daayay xabsiga Madheera oo uu mudo 27 maalmood ah ku xidhnaa.

Suldaan Abshir oo khadka taleefoonka aan kula xiriirnay ayaa Heemaal News u sheegay inuu ku faraxsan yahay in loosoo celiyo xoriyadiisii, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay siidayntiisa.

Suldaanka oo aanu wax ka waydiiday qaabkii ay ula dhaqmeen ciidamada Asluubta ee maamula xabsiga Mandheera ayaa yiri, “Ciidamada Asluubta ee xabsiga aad baan ugu mahad celinayaa, waxana aan ku amaanayaa amaanayaa sida wanaagsan ee ay iila dhaqmeen, ciidankaasna waxaa kaliya ee aan ka sheegi karaa waa inay yihiin ciidan dhaqan wanaagsan, oo xushmad ii hayay, maxaabiista kalana si wanaagsan ula dhaqma”

Suldaan Abshir ayaa ka cudur daartay in waraysi cod ah uu siiyo Heemaal News, waxana uu balan qaaday in si fahfaahsan uu uga warimi doono wax badan marka uu nasto ka dib.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga dhigtaySuldaaan Abshir Maxamed Ducaale, 15kii bishii hore ee Desember kadib markii ay qoonsatay hadal uu ka sheegay boobka lagu hayo macdanta gobolka Awdal, waxaana maanta lasii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin Suldaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More