Heemaal News Network

Suudaan iyo Masar Oo Wadajir U Bilaabay Dhoolatus Militeri.

Suudaan iyo Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay bilaabay dhoola tus oo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidammada labada dal kaas oo loogu magac daray ‘The Nile Eagles 1’, wuxuuna ka bilowday saldhigga ciidamada cirka ee ku yaalla waqooyiga Suudaan.

Dhoolatuskan ayaa socon doonaa tan 26-da bisha Nofembar,waana dhoolatuskii militeri ee ugu horreeyay oo ay si wadajir ah u soo bandhigaan labadan dal tan iyo markii uu xilka Suudaan hayay toddobaatamaadkii madaxweynihii hore, Jacfar Al Numeyri.

“Dhoolatuska si wadajirka ah ay ciidamada cirka labada dal ay u sameynayaan waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo dhowr ah sida qorsheyaal iyo maamulidda ciidamada cirka labada dal, duqeymaha iyo howlgallada difaaca ah ee loo adeegsanayo iskaashiga dhanka ah diyaaradaha dagaalka labada dal, sidoo kale, ciidamada cirka waxay sameynayaan dhoolatus dhanka baadi goobka iyo badbaadinta” waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay ciidamada Masar, sida laga soo xigtay bayaan soo baxay/.

Taliyeyaasha ciidamada Suudaan iyo Masar ayaa Khartuum ku kulmay 31-kii bishii Oktoobar, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhanka militeriga.

Dhoolatuska ay sameynayaan labada dal ayaa imaanayaa xilli Suudaan, Masar iyo Itoobiya ay ku guuldareysteen inay yeeshaan wadahadallada lagu xallinayo muranka ka dhashay biyo xireenta Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile.

Sidoo kale, wuxuu kusoo beegmayaa xilli Itoobiya ay dagaal kula jirto ciidamada Tigray.

Horraantii bishii Oktoobar, Itoobiya waxay mamnuucday in diyaaradaha ay dul maraan hawada biyo xireenka.

Muranka ka dhashay biyo xireenka ayaa saameyn ku reebay xiriirka saddexdan dal.

Related posts

Qarax Isnidaamin ah Oo ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall

Bin Salman oo U Hanjabay Kooxo Uu ku Tilmaamay Cadawga Sacuudiga.

Heemaall

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay 1 Bilyan Oo Shilin Soomaali Sharci Daro ah.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More