Heemaal News Network
somali

Suudaan Oo Nasakhday Sharci Uu Diidaayey In Ay Israa’iil Jaal La Noqoto

Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa Talaadadi shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel.

Go’aankan ayaa waddada u xaaraya hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilooyin kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel.

Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israel.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israel u aqoon dal jira.

Related posts

Wafdi Wasiiro ah Oo ka Socda Xukuumada Xisbiga Kulmiye Oo Bari kusoo Wajahan Borama.

Heemaall

Isbadal ku Yimid Muuqaalka Kim Jong Un Oo Walaac Laga Muujiyay.(Sawirro)

Heemaall

Ciidamada Mucaaradka Oo Caawa la Wareegay Xarunta Degmada Howl-wadaag.

Heemaall