Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.
Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo midowga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wada xaajoodka ee la xiriira biya xireenka wabiga Nile, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.
Cabbaas ayaa ka digay in ay Itoobiya tallaabadaa ku dhaqaaqo oo ay bilowdo bisha Juulaay ee soo socota “arintaasi waxay halis gelin doontaa nolosha kala badh dadka ku nool badhtamaha Sudan iyo sidoo kale saamayn taban oo ay ku yeelan doonto wax soo saarka beeraha iyo kooraanka” ayuu yidhi.
Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo aan midho dhalin oo socday toban sano la waday Itoobiya tan iyo markii ay biowday dhismaha biyo-xidheenka sannadkii 2011.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xiriirta muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.
Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay horay sheegtay in tallaabadaasi ay qatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaaro inta aysan Addis Ababa tallaabo u qaadin arrimkaasi.