Heemaal News Network
somali

Sweden Oo Kumanaan Dollar Ugu Ganaaxday Masaajid Sababo la Xiriira COVID-19

Maamulka gobolka Västra Götaland ee dalka Sweden ayaa masaajid ku yaal Göteborg ku amray inuu bixiyo ganaax gaaraya 50,000 oo karoon oo ah lacagta dalkaas, taasoo u dhiganta kumanaan dollar.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii 9-kii bishan Abriil ay dad ka badan 50 qof isugu yimaadeen masaajidkaas kuwaasoo ku tukaday salaadii Jimcaha taasoo jebinaysa sharciga ku meel gaarka ee covid-19.

Sharcigan ayaa dhigaya in dad ka badan 8 qof aysan meel qura ku kulmi karin si looga hortago faafida cudurka Karoonaha.

”Dhacdadan sababtay in masaajidka la ganaaxo waa mid dhacda marar dhifa oo keliya”, ayey tiri Lotta Sahlin Skoog oo ka socota maamulka gobolka.

Waxay digniin ku bixisay in haddii dhacdadan oo kale ay soo laabato Masjidka la ganaaxi doono mar kale 50 kun oo karoon.

Related posts

Maxaa kasoo Baxay Kulankii Ugu Horeeyay Ee Gudiga Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.?

Heemaall

Wasiirada Arrimaha Dibeda Ee Somaliya iyo Kenya Oo Qadka Telefanka Kaga wada Hadlay Xiriirka…

Heemaall

Borama:-Beel Taageero Xoogan U Muujisay Musharax Cali Xuseen Iyo Siciid C/raxmaan.

Heemaall