Heemaal News Network

Taageerayasha Trump Oo U Balansan Dibadbaxyo Hubaysan Maalinta Caleemasaarka Biden

FBI-da Mareykanka ayaa ka digtay suurtogalnimada ah in dibadbaxyo hubeysan ay ka dhacaan Mareykanka maalmo kahor intaan Joe Biden loo dhaarin madaxweyne.

Waxaa jira warar sheegaya kooxo hubeysan oo qorsheynaya inay isku urursadaan dhammaan caasimadaha 50-ka gobol ee Mareykanka iyo magaalada Washington DC kahor caleema saarka 20-ka January.

Cabsida ayaa timid iyadoo ay ciidamadu adkeeyeen sugitaanka ammaanka.

Maalintii shalay ahayd, Mr Biden ayaa weriyeyaasha u sheegay inuusan ka cabsi qabin in lagu dhaariyo meel ka baxsan dhismaha Capitol.

Isaga iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay Kamala Harris ayaa weli la filayaa in lagu dhaariyo meel ka baxsan dhismaha, iyadoo ay labo toddobaad uun ka soo wareegayaan weerarkii ay dadka ku dhinteen ee taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump ay ku qaadeen dhismahaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxaa ka go’an inaysan soo laaban wixii dhacay 6-dii bishan – markii kumannaan taageerayaal u ah Trump ay u dhaceen dhismaha Kongareeska Mareykanka oo ay ka socotay cod loo qaadayay natiijada doorashadii madaxtinnimada.

Chad Wolf, oo ah sii hayaha madaxa waaxda ammaanka gudaha ayaa shalay sheegay inuu amray waaxda sirdoonka inay berri howlgallo gaar ah ka fuliyaan goobta, lix maalmood kahor caleema saarka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ilaa 15,000 oo ciidamada Ilaalada Qaranka ah la geyn doono xarunta.

Gelinkii dambe ee shalay, Mr Wolf ayaa noqday qofkii saddexaad ee maamulka Trump ka tirsan ee xilka iska casila tan iyo weerarkii Capitol, kaddib Betsy DeVos iyo Elaine Chao.

Iscasilaadda Mr Wolf ayaa culeys ku keentay waaxdiisa iyadoo ay ciidamadu isku dayayaan inay sugaan ammaanka caleema saarka Biden.
Hay’adaha xoojinta sharciga ee Mareykanka ayaa la sheegay inay ka hortagayaan suurtogalnimada ah inay rabshado dhacaan maalmo kahor inta uusan Joe Biden qaban talada madaxtinnimada.

Taageerayaasha Trump iyo kooxdaha midig-fog ayaa ku baaqay dibadbaxyo dhaca maalmo cayiman, oo ay ka mid yihiin dibadbaxyo hubeysan oo ka dhaca magaalooyinka dalka 17-ka January iyo isku soo bax lagu qabto Washington DC maalinta caleema saarka qudheeda.

Telefishinka ABC News iyo warbaahinno kale ayaa laga soo xigtay koox ku baaqeysa in la galo maxkamadaha dalka haddii Trump xilka laga qaado kahor inta uusan muddadiisa dhammeysan iyo haddii aan laga qaadinna maalinta caleema saarka qudheeda rabshado la kiciyo.

Dimuqraaddiyiinta iyo qaar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa weerarkii Capitol kaddib ku baaqayay iscasilaadda Mr Trump, in xilka laga qaado iyo in mooshin laga gudbiyo.

Hay’adaha booliiska gudaha ayaa loo sheegay inay xoojiyaan ammaanka waaxaha dowladda.
Maalintii shalay ahayd Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah ilaa 24-ka January, taas oo waaxda ammaanka gudaha u suurto gelin doonta inay ka hortagaan rabshadaha.

Waaxda ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso howlgal ammaan oo la fuliyo lix maalmood kahor xafladda caleema saarka, laga bilaabo berri oo Arbaco ah. Arrintan ayaa hay’adaha ammaanka u suurto gelineysa inay ka wada shaqeeyaan tallaabooyin kahortag ah sida in waddooyin la xiro.

In ka badan 10,000 oo ciidamada Ilaalada Nabadda ah ayaa gaari doona caasimadda wixii loo gaaro dhamamadka toddobaadkan, iyadoo 5,000 oo kale oo dheeri ahna la diyaarin doono haddii loo baahdo.

Dhanka kale duqa magaalada Washington Muriel Bowser ayaa ku baaqday in la sugo ammaanka kaddib waxa ay ugu yeertay “weerar argagixiso” oo toddobaadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol.

Waxay sidoo kale dadka Ameerikaanka ah ka codsatay inay ka fogaadaan u safridda Washington DC si ay xafladda uga qeyb galaan.
Kaddib marka loo dhaariyo madaxweyne, Mr Biden waxaa la filayaa inuu ka qey qaato xaflad ay ka soo qeyb galayaan madaxweyneyaashii hore Barack Obama, George W Bush iyo Bill Clinton.

Donald Trump ayaa sheegay inuusan ka qeybgeli doono caleema saarka – isagoo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee sidaas sameeya, in ka badan 150 sano kaddib.

Xigasho BBC Somali

Related posts

Shacabka Hargaysa Oo ka Qayliyay Gaaddiid Muuse Biixi ka Mamnuucay Somaliland.

Heemaall

Dawlada Oo Markale ka Hadashay Go’aankii Hubka Looga Mamnuucay Gudaha Garoonka Muqdisho.

Heemaall

Madaxwayne Biixi Oo kusii Jeeda Nairobi.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More