Heemaal News Network
somali

Tababar loosoo Gaba-gabeeyay Gudiga Doorashada Ee Fadaraalka Somaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay tababar muddo sadax cisho ah u socday guddiyada doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta soo xiray tababarkan oo uu horay u daahfuray Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiiru dowlaha xafiiska Raysal wasaare Rooble oo ka hadlayay kulanka lagu soo gabagabeynayay tababarka guddiyada doorashada ayaa kula dardaarmay guddiyada iney ka shaqeyaan doorasho daahfuran oo si cadaalad ah ku dhacda.

“Waxaan filayaa inaad aad uga doodeen daahfurnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada, qof waliba oo Soomaali ah maanta cidda uu soo eegyo oo uu rajo weyn ka qabo, doorashada qaranka min madaxweyne ilaa Xildhibaanada labada aqal dadka looga fadhito ee martida looga yahay waa dadkiina halkan fadhiya” ayuu yiri Cabdixakiin Xasan wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyadda ugu adag aay hortaalo guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo looga baahan yahay iney si cadaalad ah u qabtaan howlaha adag ee horyaala.

Related posts

Afgambi Militari Oo ka Dhacay Dalka Guinea.(Sawiro)

Heemaall

Muqdisho:-Gabar 11 Jir la La’aa Maalmo Oo Maanta Meydkeeda Laga Dhex-Helay Digsi Lagu Riday.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Qoraal Digniin Culus Ah U Diray Gudoonka Golaha Shacabka.(Akhriso)

Heemaall