Heemaal News Network
Cayaaraha

Tababarihii Kooxda Arsenal Oo La Cayriyey

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambeyntii qaadatay go’aan ay shaqada kaga ceyrineyso tababare Unai Emery kadib markii kooxda ay heshay natiijadii ugu xumeed muddo 27-sano ah.

Macalinkaan reer Spain ayaan kooxda guul u keenin toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyay, waxaana xusid mudan in ugu danbayn 2-1 guuldaro ah ay ka qaateen kooxda reer Jarmal ee Eintracht Frankfurt kulan ka tirsan tartanka UEFA Europa League.

Unai Emery ayaa badalay Arsene Wenger oo muddo 22 sano ah ku sugnaa Gunners, 18-kii bilood uu kooxda maamulayay ma keenin natiijo aan aheyn inuu kooxda fasalkii hore geeyay finalka tartanka Europa League.

Tababaraha la ceyriyay ayaa saxaafadda u sheegay kadib kulankii u danbeeyey iney diirada saaraan kulanka ay la ciyaarayaan Norwich City, balse masuuliyiin ka tirsan Gunners ayaa u fariistay xaaladiisa waxeyna isku raaceen in la joogo wakhtigii laga diri lahaa kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More