Heemaal News Network
somali

Tagsiile Soomaliyeed Oo Lagu Dilay Magaalada Moorhead Ee Gobolka Minnesota

Nin hubeysan ayaa Magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa uu ku diley muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in uu ahaa tagsiile ka Shaqeysta Magaalada, iyada oo ninkii ka dambeeyay dilka gacanta lagu dhigay.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi ayaa ahaa 24 jir Dhalinyaro ah, waxaana la sheegay in ninka dilka u geystay uu doonayay in uu dhac u geysto, hayeeshee muran xoogan uu soo kala dhex-galay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidanka booliiska magaaladda Moorhead, iyaga oo ku gudo jira baaritaanka dilka loo geystay Marxuum Cabdullahi ay gacanta ku dhigeen dhagaar qabihii.

Magaalooyinka ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafray waxaa kusoo batay dilalka loo geysanayo Soomaalida, waxana ay aheyd 28-ki Bishii Apriil markii magalada Minneapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka shaqeyn jiray xarunta xawaalada Taaj, kaas oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cismaan Baqare.

Related posts

Dhacdo Ugub ah Hargeysa: Ilmo Yar Oo Xalay Saq-dhex Laga Xaday Gurigoodii.

Heemaall

Jenaraal Xuud-ka Baladwayne Dagaalka ka Waday Oo la Keenay Muqdisho.

Heemaall

Kolonyo Uu la Socday Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Rasaaseeyey Muqdisho.

Heemaall