Heemaal News Network
somali

Talibaan Oo Sheegatay Weerar Khasaaro Gaystay Oo Lagu Qaaday Guriga Wasiirka Difaaca Afghanistan.

Bayaan ka soo baxay Ururka Daalibaan ayey ku sheegeen inay ka dambeeyeen Qarixii lala beegsaday Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Jeneral Bismillaahi Maxamedi Khaan.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey meel ku dhow Guriga Martida ee uu Wasiirka ka deggan yahay caasimadda dalkaasi ee Kaabul.

Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mirways Istanekzaay ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaran 8 qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena ku dhaawacantay Qaaraxaasi.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in la wada dilay Afartii dableyda ee weerarka soo qaaday, kadib, markii lala galay Isk-horimaad socday muddo 5 saacadood.

Wasiir Bismillah Khan Mohammadi ayaa ka maqnaa gurgiisa xilliga ay dableydu ku qaadeen weerar isnidaamin ah iyagoo ku qarxiyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay la beegsadeen goobta amnigeeda sida weyn loo adkeeyo ee aagga cagaaran.

Dhinaca kale, Xisbiga uu ka tirsan yahay Wasiirka la weeraray ee Jameecadu Islaamiyah ayaa sheegay in Qoyska wasiirka si nabad ah looga saaray guriga lagu weeraray.

Related posts

Kenya Oo Wax ka Badal ku Sameesay Go’aankii ay ku Xiraysay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.

Heemaall

Dawlada Itoobiya Oo ku Dhawaaqday Xabad-joojin Dhinaca Dagaalka Gobolka Tigray.

Heemaall

“Madaxwayne Waxa Laga Rabaa Ilaalinta Diinta” Wasiirka Diinta Awqaafka Cusub ee Somaliland.

Heemaall