Heemaal News Network
somali

Taliska AFRICOM Oo Gaadiid Dagaal ku Wareejiyey Ciidanka Kumandosta Somaliya.(Sawiro)

Taliska Howlgalka Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ku wareejiyay Gawaarida Gaashaaman ee ay ku howlgalaan Ciidamada.

Gawaaridan ayaa door Muhiim ka qaadan doona howlgalka Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dalka kaga ciribtirayaan Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Danab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maraykanka ayaa gaadiidkan gaashaaman ku wareejiyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Ciidanka Kumaandoska Danab oo uu tababaray Maraykanka ayaa ka mid ah ciidamada ugu tayada fiican ee dowlada Somalia, iyagoo dagaal adag kula jira kooxda Al-shabaab.

Related posts

Sucuudiga Oo Si Dabacsan Uga Hadlay Duqeymaha Israa’iil Ee Qaza.

Heemaall

Madaxda Tigrey Oo kasoo Debecday Mowqifkii Adkaa Ee ay ka Qaateen Xabad Joojintii Abiy.

Heemaall

Macron Oo Ka Mid Noqday 50.000 Oo Qof Oo Israel Jabsatay Telefoonadooda

Heemaal