Heemaal News Network

Taliska Booliiska Oo ka Hadlay Khasaaro ka Dhashay Qarax ka Dhacay Muqdisho.(Sawiro)

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Saadaq Doodisho oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaaxi ay ku sugnaayeen dad u badan Shacab, isla markaana uu ka dhashay qaraxaas khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Lix Ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo lagu daweynayo Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada booliska Soomaaliya ay baaris ku hayaan sida uu qaraxa u dhacay, isla markaana hadda xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay mid sideedii hore kusoo laabatay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay qaraxan inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho amnigeda waxaa uu ahaa mid soo hagaagayay marka laga reebo qaraxyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ah oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan geysan wax khasaaro ah.

Related posts

UEFA Oo Ganaaxday Jose Mourinho Iyo Kooxdiisa Tottenham

Heemaal

Trump Oo Noqday Weeraro Uu U Qorsheeyey In Lagu Qaado Iran.

Heemaall

Midowga Afrika Oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalka Gobolka Tigray

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More