Heemaal News Network
somali

Taliska Booliska Oo Balan-qaaday Sugida Amniga Doorashada Somaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya ay heegan buuxa gelisay Ciidamadii ka qyeb qaadan lahaa sugida Amniga doorashooyinka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray I nay u diyaar garoobeen doorashada heshiiska laga gaaray ee dhawaan ka bilaabaneeysa dalka, isla markaana ay ay dhamaan diyaariyeen Ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Ciidamo horleh ay kusoo biireen Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qeyb qaadan doono guud ahaan sugida amniga dalka.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa ayaa kusoo aadayaa xilli howaha sugida amniga doorashooyinka lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay wado diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Related posts

“Madaxwayne Cunaqabtaynta Ha Laga Qaado Gobolkayga Awdal” Xildhibaan Maydhane

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo soo Bandhigay Arimo Lid ku ah Wasiirka Xananada Xoolaha.

Heemaall

Gudoomiye Cali Xaamud Oo ka Hadlay Khilaafka Golaha Wakiilada

Heemaall