Heemaal News Network
somali

Taliska Booliska Somaliya Oo Amar kusoo Rogay Mooto Bajaajka Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo baxay waxaa lau sheegay in la mamnuucay in Mootada Nuuca bajaajta aysan socon karin wixii ka dambeeya 12-ka ama lix saac habeenimo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in arrintaan looga gol leeyahay in la xoojiyo howlgallada ay ciidamada ka wadaan magaalada muqdisho, kaas oo ka dhan ah kooxaha Burcadda ah.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu geba-gabo yahay wajiga koowaas oo howlgalka loogu maga daray samakaab, kaas oo lagu soo qabtay kooxo burcad ah iyo kuwo waxyaabo maanka dooriya isticmaala.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay gacanta u hayaan Mootooyin Bajaaj dadka lagu dhici jiray iyo kuwa ka Ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya oo laf dhabar u ahaa amnid arrada kajirta Amniga Magaalada muqdisho.

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi fitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Ciidamo hub ku dhex wata magaalada muqdisho, marka laga reebo Ciidamada ka Shaqeeynaya sugida Amniga.

Related posts

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Oo Eedeyn U Jeediyay Mareykanka.

Heemaall

Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Shir Looga Hadlayay Xaalada Caafimaad Ee Somaliland

Heemaall

Mustafe Cagjar Oo Mucaaridkiisa Xabsiga Dhigay

Heemaall