Heemaal News Network
somali

Taliska Booliska Somaliya Oo Caawa War kasoo Saaray Caruur Meydkooda Laga Helay Duleedka Baydhabo

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa ka hadlay Laba caruur ah walaalo ah oo saaka aroortii meydkooda laga heley duleelka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Caruurtaasi oo wiil iyo gabar ahaa Cabdul-Mudcim Aweys C/llaahi oo 9 sano jir ah iyo Aamina Aweys C/llaahi oo 7 sano jir ah ayaa warku intaa ku daray in meydka jirkooda uu ka muuqday dhaawacyo toorey ah oo loo adeegsadey, isla markaana lala baxay xubno muhiim ah oo jirkooda ka maqnaa.

Caruurtaasi ayaa lagu waramay inay gurigooda ka maqnaayeen in ku dhow labaatan saac sida uu xaqiiqijey Aabaha caruurtaasi oo ah Aweys C/liaahi.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayey ku sheegeen iney ka war hayaan dhacdadaasi kana xun yihiin, iyagoo xusay iney wadaan baaritaan xooggan oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah si sharciga loo marsiiyo.
HALKAN KA AKHRISO

Related posts

Xaalad Deg-deg ah Oo Lagu soo Rogay Gobolka Darfur Ee Dagaalku ka Dhacay.

Heemaall

Dowladda Somaliya Oo Heshiisyo Caalami ah Maanta Gudbisay.(Sawiro)

Heemaall

M/Biixi Oo la Kulmay Wafdiga Wasiirka Cadaalada Zambia Oo Hargeysa soo Gaaray(Sawiro)

Heemaall