Taliyaha AMISOM Oo Amray Guluf Dagaal Oo Ay Wada Fulinayaan CXDS Iyo AMISOM

Qoraal ka soo baxay AMISOM waxaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka la tababarayo si qorshe wada jir ah u sameystaan iyaga iyo AMISOM.

Lt. General Jim Beesigye Owoyesigire madaxa AMISOM, oo horay u soo ahaa taliyaha ciidmada cirka ee Uganda ayaa amray in la dardar-geliyo howl-gallada wada jirka ah, si loo dedejiyo ka bixitaaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Owoyesigire, oo la hadlaayey ciidamada AMISOM ee jooga Jowhar ayaa sheegay in loo baahanyahay in qiimeyn lagu sameeyo howlgallada iyo arrimaha muhiimka ah ee AMISOM waddo.

Madaxda AMISOM waxaa kale oo amray in la adkeeyo amniga waddada isku xirta Muqddisho ilaa Jowhar.

Inta uu Jowhar joogay waxaa kale oo arrimaha amniga uu kala hadlay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo saraakiil kale oo maamulka ka tirsan.

Owoyesigire, waxaa kale uu horay u soo maray ciidamada AMISOM ee ku sugan Baidoa, Beledweyne iyo Balaydoogle.

In ka badan 21, 000 oo AMISOM ka ah ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaa ayna howlo nabad ilaalin ah u joogan Soomaaliya, dalalka ay ka socdaan waxaa ka mid ah Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi.