Heemaal News Network
somali

Taliyaha loo Magacaabay Gobolka Banaadir Oo Loogu Baaqay Inuu Iska Diido Xilkaasi.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Haramcad Farxaan Qaroole kadib markii uu xilka ka qaaday Saadaq Joon.

Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo horey u ahaa Gaashaanle Dhexe ayaa si deg deg ah loogu dalacsiiyay Janaraal kadib markii loo magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taliyaha cusub ee loo magacaabay booliiska gobolka Banaadir in uusan aqbalin xilka loo magacaaby uu ku tilmaamay xil gumeed.

”Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo klale la filayaa in war kasoo saaraan isbadalka ka dhacay taliska booliiska gobolka Banaadir iyo qorshaha mudo kororsiga ay wadaan Baarlamnaanka iyo Villa Soomaaliya.

Related posts

Wasarada Ciyaaraha Oo Shaacisay Tartan Noociisu ku Cusub-yahay Somaliland.

Heemaall

Dubai: Dumar Fagaare Isku Qaawiyey Oo Xabsiga Lagu Guray

Heemaal

RW Rooble Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo U Anbabaxay Dalka Jabuuti Iyo Ujeeda Safarkiisa.

Heemaall