Heemaal News Network
somali

Taliye Aan Wali Tagin Xarunta Nisa Oo Xilkii ka Qaaday Taliyihii NISA Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa xilka looga qaaday Taliyihii hore ee Hay’adad Nabad sugida ee Gobolka Banaadir iyadooba mid cusubna lagu magacaabay

Sareeye Guud Bashiir Goobe oon weli tegin xarunta Taliska Hay’adda NISA sidoo kale aan xilka la wareegin ayaa wareegtada uu soo saaray taliyaha NISA ee gobolka Banaadir ugu magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Magacaabistan uu sameeyay Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa imaanaya xili Hay’adda NISA leedahay labo agaasime KMG ah ay kala magacaabeen Madaxewyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxaana dhawaan xilka agaasimaha NISA la wareegay Agaasimaha KMG uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ,Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Farey oo horey u ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.
Halkan ka Akhriso:

Related posts

Madaxweyne Biden Oo Xasuuq U Aqoonsaday Dagaalkii Cismaaniyiinta Iyo Turkiga Oo ka Carooday.

Heemaall

Wasiirka Diinta Somaliland Oo ka Horyimid Culimada Somaliya Oo Cafis Uga Dalbtay M/Biixi.

Heemaall

Wasiir Ina Kaahin Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Caafimaad Oo Uu Dalka Dibadiisa Ugu Maqnaa.

Heemaall