Heemaal News Network

Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Oo la Magacaabay.(Akhriso)

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkay;awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka
Wuxuu u magacaabay saraakiishan;

1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug

2. G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Related posts

Xulka Kubada Cagta Ee Awdal Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Borama

Heemaall

Tanzania Oo ka Hor-timid soo Iibsashada Tallaalka Covid 19.

Heemaall

“Cafis Dambe Heli Mayso Cida Muqdisho U Shaqo Tagta.”Siyaasi Cali Waran Cade.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More