Heemaal News Network
somali

Taliyihii Booliska Shibis Ee ku Biiray Mucaaradka Oo Xilkii Laga Qaaday Mid kale-na Lagu Bedelay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska saldhiga degmada Shabis Farxaan Jaray, oo dhawaan ku biiray ciidanka mucaaradka ee kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada.

Wareegto kasoo baxday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Xijaar ayaa loogu magacaabay taliyaha cusub ee saldhiga degmada Shibis in uu noqdo Shiikh Nuur Cabdullaahi Salaad oo horey u ahaa taliye kuxigeenkii saldhiga.

Taliyihii booliiska saldhiga Shibis ee dhawaan ku biiray ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa maalmo kahor xilkaasi loo magacaabay, kadib markii isbadal lagu sameeyay taliska booliiska Gobolka Banaadir.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska G/Banaadir ayaa dhawaan ku biiray ciidamada mucaaradka ee taabacsan musharaxiinta sidoo kale kasoo horjeestay mudo kororsiga, waxa ayna talaabadaasi khal khal iyo kala shaki galisay talisyada booliiska.

Related posts

Odayaasha Dhaqanka Awdal Oo ka Hadlay Geerida Suldaan Samatar.

Heemaall

Dawlada Oo ka Warbixisay Kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran Iyo Beesha Caalamka.

Heemaall

Ururka IGAD Oo Somaliya iyo Kenya Ugu Baaqay Inay Qabtaan Doorashooyin Nabdoon.

Heemaall