Heemaal News Network
somali

Taliyihii Ciidanka Danab Ee Galmudug Oo Lagu Dilay Dagaalkii Guriceel.

Taliyihii ciidamada Danab ee Maamulka Galmudug Cabdiladiif Faysal ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay dagaalkii rogaal celiska ahaa ee galabta ka dhacay degmada Guriceel.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida taliyaha oo wararku sheegayaan iney haleeshay rasaas xili uu ka qeyb qaadanayey dagaalka.

Ugu yaraan 40 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalkii maanta ka dhacay degmada Guriceel halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badan labada dhinac, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya.

Dhinaca kale, Gaari uu lahaa taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Gen. Mascuud ayaa u galay gacanta Ahlu-sunna, waxaana weli cakiran xaalada degmada Guriceel oo galabta inteeda badan laga qabsaday ciidankii DF ee saaka la wareegay.

Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ayaa maanta xilli hore qabtay Guriceel inteeda badan

Related posts

Somalia Oo Imaaraadka ku Wareejisay Lacagtii Horay Looga Xayiray

Heemaall

Somaliland Oo Maanta Degaanadeeda ka Musaafurisay Dad Itoobiyan ah.

Heemaall

Muqdisho:-khasaaraha Qarax lala Eegay Taliye Caraale Oo Laga War-bixiyay.

Heemaall