Heemaal News Network

Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Dhuusa-Mareeb Oo Qarax Miino Lagu Dilay.

Gaadiid uu la socday Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay meel u dhow Deegaanka Ceeldheere oo 30KM ujira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ilo degaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay askar kale oo taliyaha la socotay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb weli kama hadlin qaraxa, waxaana maalmihii la soo dhaafay degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb waxaa kajiray dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dilka Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli la filayo in Caawa Magaalada Dhuusmareeb lagu qabto munaasabadda Sanad-guurada 1-aad ee Doorashadii Madaxweynaha Galmudug.

Related posts

Toos U Daawo Ciyaarta Dhexmaraysa Gabilay Iyo Hargaysa.

Heemaall

RW Kuxigeenka Oo Raali-galin ka Bixiyay Hadal Tuhun Galiyay Musharaxiinta Doorashada.

Heemaall

RW Rooble Oo ka Qayb-galay Aaska Gudoomiyihii Degmada Hodon(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More