Heemaal News Network
cayaaraha

Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2020

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa markiisii labaad ku guuleystay Koobka Euro 2020 iyagoo rikoodheyaal ku garaacay Ingiriiska oo taageereyaashiisii tobannaanka kun ahaa waxba u tari waayeen.

Talyaaniga ayaa ku dabbaal-degay garoonka Wembley ee Magaalada Londo iyagoo ku badiyey rikoodheyaal 3-2 ah, kulan ay ciyaartiisii caadiga ahayd kusoo dhamaatay 1-1.

Ingiriiska oo labadii rikoodhe ee hore dhaliyey ayaa saddexdii dambe iska khasaariyey, halka Talyaaniga oo laba rikoodhe laga qabtay ay saddex dhaliyeen, waxaanay sidaas ku qaadeen tartanka Euro 2020.

Talyaaniga ayaa koobkan hore ugu guuleystay hal oo mar oo kaliya oo ahayd sannadkii 1968kii oo laga joogo 52 sannadood, waxaanay guushan uga mahad-celinayaan goolhaye Donnarumma oo laba rikoodhe ka qabtay Jadon Sancho iyo Bukayo Saka, halka uu Marcus Rashford bannaanka mariyey.

Related posts

Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Kooxdiisa La Daadagay “Koox Liidataan Nahay”

Heemaall

Chelsea Oo Ku Kaliyeysatay Kaalinta Afaraad Ee Premier league

Heemaal

Dhakhaatiir Loo Maxkamadaynaayo Dhimashadii Maradoona

Heemaal