Heemaal News Network
somali

Tartankii Gabayada Buuhoodle Oo Lasoo Gaba-gabeeyay Iyo Guulaystayasha Oo Abaal-mariyay(Sawiro)

Gudiga maamulaysa tartanka gabayada oo maalmihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Buuhoodle ayaa lagu dhawaaqay sedexda xubnood ee ku guulaystey kaalmaha u horeeya.

Tartankan oo ay ka qayb qaadanayeen 32 xubnood oo sadex ka mid ah ay ahaayeen gabdho ayaa waxaa kaalinta koowaad ku guulaystey Cabdilaahi Faarax Oda’waa iyadoo la gudoonsiiyey shahaado iyo lacag abaalmarin ah oo 1000 Doolar ah.

Khadar Maxamuud Cismaan kaalinta 2aad ku guulaytey halka Cabdirashiid Axmed Yuusuf uu isna ku guulaystey kaalinta 3aad, kuwaasoo lagu abaal mariyey 500 iyo 700 oo Doolar.

Munaasibada oo ay soo qabanqaabiyeen urur dhalinyaro ah oo lagu magcaabo Qaryadaada Quruxso ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin, abwaano iyo waxgarad oo dhamaantood talaabadan ku tilmaamay mid aad loogu baahan yahay dhiiri gelina u ah da’yarta soo koraysa walow ay kaalmihii soo baxay aysan gabdhihii ka muuqan taas oo dadka qaarkii jeclaysteen in la xuso inay qurux badnayd.

Munaasibadan oo si aad ah u ruxday magaalada Buuhoodle ayaa si aad waxaa loo hadal hayaa dhacdooyinkii goobtaasi ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee bandhigan ayaa guul ku soo dhamaaday, waxaase si aad ah loo hadal hayaa xubno muhiim u ahaa aqoonta suugaanta oo garsoorka laga reebay, taasna waxaa la filayaa in xiliyada soo socda ay saxmi doonaan.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Saraakiisha Maraykanka Ee AFRICOM kala Hadlay Qodobo Muhiim ah(Sawiro)

Heemaall

Dawlada Fadaraalka Soomaali Oo Si Adag Uga Jawaabtay Baaqa Beesha Caalamka

Heemaal

Soamli State Oo Laga Yaabo In Ay Ciidamo U Dirto Gobolka Tigree

Heemaal