Telefishinka Al-Jazeera Oo Baahiyay In Imaaraadka Carabta Uu ku Xadgudubtay Cunaqabateynta Saaran Soomaaliya.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa heshay qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo muujineysa in Imaaraadka Carabta uu ku xadgudubtay cunaqabateynta Soomaaliya.

Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Golaha Ammaanka.

Warbixinta horudhaca ee ay heshay Al Jazeera ayaa sheegeysa in Imaaraadka Carabta inuu ku xadgudubtay cunaqabateynta Soomaaliya, arrinta dhismaha sharci darada ee Saldhigga Milateriga uu ka sameysanayo Berbera ee Somaliland, arrinta dhoofinta Dhuxusha oo Imaaraadka Carabta loo suuq geeyo.

Sidoo kale waxaa warbixintu sheegeysa in Shirkado laga leeyahay Iiraan ay ku soo biireen dhoofinta sharci darada Dhuxusha Soomaaliya, lana geeyo Dubai.

Waxaa kaloo warbixinta ku jirtay hub iyo qalab milateri oo laga qabtay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ka yimid dhanka Yemen, waxaana la sheegay in hubkaas laga soo iibiyay dalalka Bulgaria iyo Serbia, oo markii la weydiiyay ay sheegeen in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka iibsadeen

Labadii sano ee u dambeeyay warbixinada Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Hubka Soomaaliya ayaa ahaa kuwo aan la shaacin, inkastoo qeybo ka mid ah la daabacayay.