Heemaal News Network

Tigrayga Oo Qabsaday Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Ethiopia.

Xarunta taliska ciidamada federaalka Ethiopia ee Waqooyi, oo ku yaalla magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray ayaa waxaa qabsaday ciidamada Tigray-ga, waxaa sidaas xaqiijiyey afhayeenka dowladda.

“Magaalada Mekelle, waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo dhan sababtoo ah ciidamo iyo shaqaale ku filan halkaas nooma joogin,” waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka Taliska Cusub ee Xaaladda Deg Degga ah ee Ethiopia ee dhowaan la aas-aasay.

Taliskan ayaa ah kii horseeday dagaalka hadda socda, kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu 4-tii bishan ku eedeeyey ciidamada Tigray-ga inay weerareen xaruntaas, isaga oo kadibna amray weerar jawaab ah.

Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Waqooyi Jeneral Belay Seyoum ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in 550 oo askari oo ka mid ah ciidamada Tigray-ga ay ku dileen dagaalka islamarkaana ay qabteen 29 kale illaa hadda.

Sheegashadan ayaa imaneysa maalin kadib markii dowladda ay sidoo kale sheegatay in ciidamadeeda ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla meeel u dhow magaalada Humera ee ku dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea, hase yeeshee TPLF ayaa beenisay sheegashadan.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. Qiyaastii 2,500 oo Ethiopian ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda ayaga oo u tallaabay dalka Sudan.

Boqolaal qof ayaa la rumeysan yahay inay dagaalka ku naf waayeen, hase yeeshee tirada khasaaraha rasmiga ah ayey adag tahay in la xaqiijiyo.

Related posts

Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Ciidamadiisu ay Qabsadeen Galbeedka Gobolka Tigray

Heemaall

Weerar khasaare Gaystay Oo Caawa ka Dhacay Jowhar.

Heemaall

Maxaa Ugu Waynaa Oo Ka Dhacay Caalamka Xalay?

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More