Heemaal News Network

Tigreyga Oo Shuruudo ku xiray Inay Wadahadal la Galaan Dawlada Itoobiya.

Hogaamiyeyaashii xukunka laga tuuray ee xisbigii hore ee xukumayay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, kuwaas oo baxsad kujiray in kabadan 3 bilood, ayaa soo saaray shuruudo ay ku xidheen wadahadalka nabadda.

Bayaanka ayaa waxaa baahiyay TMH, oo ah xarun warbaahineed oo taabacsan xisbiga TPLF.

Colaada kajirta Tigray ayaa qaraxday horaantii bishii Nofeembar 2020 markii ay ciidamada federaalku bilaabeen guluf ay ku saareen kooxda TPLF kadib markii dagaalyahanadooda ay qabsadeen saldhigyo militari

Liiska ay kooxda TPLF dalbatay waxaa kamid ah.

In ciidammadii Eriteriya lagala baxo Tigreega. Labada dal ee Itoobiya iyo Eriteriya ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha Eritrea ee colaadda Tigray

Ka bixitaanka “xoogaggii kale ee soo duulay”. Ciidamada Amxaarada ayaa sidoo kale ku dagaallamay Tigray, waxayna gacanta ku hayaan meelaha qaar.

Baaritaan madaxbanaan oo ku saabsan “isir sifeynta qowmiyadaha” iyo burburka uu sababay isku dhacu.

Helitaanka gobolka ee gargaarka bani’aadamnimada si loo gaaro 4.5 milyan qof oo si degdeg ah ugu baahan gargaar

Sii deynta shuruud la’aan maxaabiista siyaasadeed

Iyo kala diristii maamulkii kumeelgaarka ahaa ee Tigray oo la dhisay kadib khilaafkii

Wadahadallo kasta oo nabadeed waa inay hogaamiyaan hay’ad madax banaan oo caalami ah, ayay raaciyeen.

Todobaadkan horaantiisii, masuuliyiinta cusub ee Tigreega waxay dadka uga digeen inay gabbaad siiyaan cidkasta oo iskudayeysa inay xasillooni daro ka dhacdo gobolka.

Related posts

Cuqaal si Adag Uga Hadashay Gabadh yar Oo Laga Afduubtay Deegaanka Saylac

Heemaall

Madaxayne Geele Oo Dhigiisa Itoobiya kusoo Dhaweeyay Jabuuti.

Heemaall

Raisal Wasaare Rooble Oo Ka Qayb Galay Shirka Baydhaba Isaga Oo Muqdisha Jooga

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More