Heemaal News Network
Caalamka

Tiradii Ugu Badnayd Ee Corona-virus Ugu Dhimatay Ingiriiska 24kii Saac Ee Ugu Denbeeyay Oo la Shaaciyay.

Tirada dhimashada dadka u dhinta coronavirus ee dalka Ingiriiska ayaa 24saac ee u dambeeyay la xaqiijiyay in ay gaadhay meeshii ugu saraysay, waxana la diiwaangaliyay 563 qof, taas oo dhimashada guud ee dalkaasi ka dhigaysa 2,352 oo qof, sidana waxa sheegtay dawlada.

Dawladu waxa ay intan ku daratay in tirada kiisaska cusub ee dalkaasi ay iyaduna korodhay gaadhayna 29,474 oo qof halka ay shalay oo salaasa ah ka ahayd 25,150 oo kiis.

Shir Jaraaid oo ay qabteen Masuuliyiinta Wasaarada Shaqaalaha Arimaha Bulshada iyo Hormarinta Maamulku maanta ayaa waxa ay sheegeen in ay waajib ku tahay dhamaan shirkadaha iyo milkiilayaasha loo shaqeeyo in ay u hogaansamaan awaamiirta iyo siyaasadaha dawlada ee daryeelaya shaqaalaha, waxana ay intan ku dartay ay bilaabi doonaan adeeegtyo dheeraad ah oo shaqaalaha lagu gargaarayo, si loo muujiyo in la barbar taagan yahay waqtigan adag ee ay ku jiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More