Heemaal News Network

Tiro Geel ah Oo ku Dhintay Moojado ka Kacay Hirarka Bada Jasiirada Mashaaikh Ee Saylac.(Sawiro)

Geel tiro badan ayaa ku dhintay Jasiirada Mashaaikh ee ku taal xeebaha Saylac kadib markii ay mawjado ka dhashay hirarka badda ku qarqoomeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah xooladhaqatada ku caydhowday masiibadan Rabaaniga ah.

Aadan Axmed Cimi Cawaale oo ka mid ah qoysay dhawr ah oo ku caydhoobay masiibadan oo khadka taleefoonka kulasoo xiriiray shabakada ayaa sheegay in masiibadani ay dhacday habeenimadii Sabtidii, waxana uu intan ku daray in qoyskiisa oo kaliya ay baddu ka qaaday tiro Geel ah

“ Subaxnimadii Sabti ayaan ku war helnay raqda geelii aan ku ogayn Jasiirada Mashaaikh oo badda dul heehaabaya, markii aan gaarnay Jasiiradana, ma jirin wax xoolo ah oo aan naf ku gaarnay, dhamaan raqdooda ayaa biyaha kolba dhinac ula socday, ma xaqiijin karno sida ay wax u dhaceen, waxaanse u badinaynaa in ay mawjado ku kaceen oo ay bada ku qar-qoomeen” ayuu yidhi Aadan.

Ma jiro tiro koob sugan oo la sheegayo oo ah tirada xoolaha ku le’day masiibadan, balse waxa xooladhaqatu ay tilmaameen in ay masiibadan ku waayeen in ku dhaw 10- tiro oo geel ah.

Aadan Axmed Cawaale, waxa uu niyad xumo ka muujiyay waxa uu ugu yeedhay arxan-darada maamulka degaankaas waxana uu diray baaq waxana uu yidhi “ Qadarka Rabi lama diidi karo, balse waxa nasiib xumo ah in maamulkii dadkan masuulka ka ahaa ee gobolka Salal iyo kan degmada Saylac aanaan ka helin wax gurmad ah, iyagoo ka warqaba khasaaraha dadka xoola dhaqatada kasoo gaartay Badda, Waa niman arxan-daran oo waliba ay arxan-daradu dhaqan ka noqotay, waxanan ugu baaqayaa xukuumada dhexe, umada muxsiniinta ah, iyo hayaduduba ay gurmad la soo gaadhaan qoysaskaas ku caydhoobay masiibadan”

Kaymaha Badda ee ku yeela Jasiirada Mashaa’ikh ee degmada Saylac ayaa ah goob dihin oo dooga iyo dhirta ku taal uu geelu u daaq tago.

Related posts

Xisbiga Ucid Oo Dhalillay Wasaarada Macdaanta Iyo Tamaarta Somaliland.

Heemaall

Xeerka Iskaashatada Kaluumaysiga Ee Degamada Saylac Oo la Ansixiyay Maanta.

Heemaall

Isku-daygii Ugu Denbeeyay Ee Lagu Laalayay Guusha Joe Biden Oo Fashilmay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More