Tiro Haweena Oo Falal Anshax Xumo ah ku Eedeeyay Xoghayaha Gaarka Ee Raisul Wasaaraha Yahuuda.

Kaaliyaha gaarka ee Raisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muddo shaqada uga maqnaan doono arrimo la xidhiidha anshax xumo dhanka galmada ah oo lagu soo eedeeyay.

David Keyes ayaa eedeymahaasi ku tilmaamay mid been abuur ah isgoo sheegay magaciisa ka difaaci doono waxii sumcad xumo u keenai kara.

Wargayska The Times ee kasoo baxa Israa’iil ayaa sheegaya in 12 haween ah ay kusoo eedeeyeen habdhaqan aan haboonayn, iyagoo 10 kamid ah dumarkaas ay codsadeen in aan magacyadooda la sheegin.

War qoraal ah oo khamiistii soo baxay, ayaa Mr Keyes, 34 jir ah ku sheegay in uu si buuxda ugu kalsoon yahay in runtu ay caddaan doonto.

Wargayska The Times ee Israa’iil ayaa sheegaya in eedaymahani ay dhaceen kahor intii aan Mr Keyes aan loo magacaabin afhayeenka saxaafadda dibadda ee Mr Netanyahu.

Khamiistii, siyaasiyiin badan oo reer Israa’iil ah ayaa Mr Netanyahu ugu baaqay in uu shaqada ka joojiyo Mr Keyes inta wararkaasi laga xaqiijinayo.

© Heemaal News Netwok