Toogasho ka Dhacday Magaalada Manchester Ee Dalka Britain (Sawiro)

Toogasho dad lagu dhaawacay ayaa ka dhacday halka loo yaqaan Moss oo ka tirsan Manchester ee dalka Britain, toogashadan ayaana dadka ay waxyeelado kasoo gaartay waxaa ku jira labo caruur ah.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhaawacmay 10-qof ay ku jiraan labo caruur ah, waxa ayna toogashadan ka dhacday wado ay ka socotay xaflad sida uu sheegay Taliyaha booliska ee magaalada Manchester.

Waxa uu sheegay taliyaha booliiska in dadka ku dhaawacmay toogashadan ay qabaan dhaawacyo fud fudud, waxaana dadka toogashadan ku dhaawacmay lagu daweenayaa xarumo caafimaad.

Wali lama oga cida ka dambeysay toogashadan ka dhacday magaalada Manchester, booliiska ayaana wali war kasoo saarin toogashadan dhacday iyo waliba cida ka dambeysay.

 

© Heemaal News Netwok