Heemaal News Network

Trump: Afarasanno Kadib Ayaan Is Arki Doonaa

Madaxweyne Donald Trump ayaa tusmeeyey in laga yaabo inuu qorsheynayo inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Mareykanka ee 2024, kadib markii looga adkaaday doorashadii dhacday bishii November.

Inkasta oo madaxweyne Trump weli uusan aqbalin in laga adkaaday, haddana munaasabad ka dhacday Aqalka Cad Talaadadii, ayuu u muuqday inuu ku qiray inaysan guuleysan dadaallo dhanka sharciga ah oo uu doonayey in wax looga beddelo natiijada doorashada, isaga oo tuhmaya inay dhacday qiyaameyn.

Waxa uu sidoo kale halkaas ku tusmeeyey in laga yaabo inuu mar kale ordo.

“Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale. Waxaan dib idiin arki doonaa afar sano kadib,” ayuu Trump u sheegay dad uu ku marti-qaaday Aqalka Cad, sida ay Reuters kasoo xigatay ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr, oo aad ay isugu dhow yihiin Trump, uu Talaadadii shaaciyey in waaxda Cadaaladda aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in khiyaano baahsan lagu sameeyey doorashada.

Sidoo kale kiisas maxkamadeed oo kooxda qareenada madaxweyne Trump ay ka fureen dhowr gobol ayaga oo dood ka qabay natiijada doorashada ayaan guuleysan.

Related posts

Xisbiga Kulmiye Oo War Kasoo Saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland

Heemaall

Ethiopia Oo Ku Diiday Dhexdhexaadin Ay Ku Baaqeen Dalal African Ah

Heemaall

Wasiir Bayle Oo Beeniyay in la Fasaxay Qaadkii ka Imaan jiray Kenya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More