Heemaal News Network

Trump Iyo Taageerayaashiisha Oo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Washigton DC

Donald Trump ayaa gawaadhi kula banaanbaxay, isga oo la garab maray banaanbax ka dhacay magaalada Washington DC galabnimadii Sabtida. Banaanbaxan ayaa lagu taageerayey, xaqiiqda ah in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uusan aqbalin natiijada doorashada.

Banaanbaxan ayaa waxaa qorsheynaya kooxaha xagjirka ah ee garabka midig, waxaana lafilayaa in ay ka qeyb galaan fashiistayaasha, cadaanimadu ku wayn tahay, iyo kooxo maleeshiyaad ah.

Muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka, waxaad ku arkeysaa madaxweynaha oo u gacan haadinaya mudaaharaadayaasha isu soo baxay.

Jimcihii, waxaa caddaatay in dhowr warbaahin Mareykan ah ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha soo socda ee Joe Biden inuu ku guuleystay gobolka Georgia. Taasi waxay ka dhigeysaa Biden in uu helay ilaa 306 codbixiye, labana ka badan inta uu Trump ku guuleystay doorashadii 2016.

Related posts

Al-shabaab Oo Beenisay Inay ka Tirsan Yiin Xubno Lagu Xiray Ethiopia Oo Ay soo Bandhigtay.

Heemaall

Amar la Dul-dhigay Golaha Wasiirada Puntland.

Heemaall

Dad Lagu Laayay Weerar Lagu Qaaday Masjid ku Yaala Waqooyiga Nigeria.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More